Adigaa mulkiyay jidhkaygoo
Maaxaaya dhiigoo
Nafta mayracaayww

Ma huraan inaad tahay
Anigaa marqaatiya
Marag kaaga kacayee

Maskaxdiyo maankaad
Maaweelisaayoo
Muuqaa jeclaystoo
Kaa maarmi maayee

Macaanaw midagtaada ii dhiib

Adigaa milgiyo sharaftaba
RABI kuugu manaystoo
Magacaaga doortee

Muxibaad i galisoo
Ma hadho igu reebtoo
Ma mildhaabi karayee

Exit mobile version