Heesta Naasiroow - Lyrics
naasirow ogoow
niyadiyo qalbiga
ifka waxa ku nool
kay nawishoo
nuurkaygiyow
naxli kuma qabo
waxa tahay nabdiga
nasiib lagu hodmoo
nasab khayr lahoo
nagiyaan ku ahay
waan kugu nastee
nacabkaa ha jabo
naasirow ogoow
nabdigayga koob
naf la dhami aduun
nasiibka u heloo
adaan kugu nastaa
nasrigii allow
waxa tahay naq baxay
ku nagow samaan