Habeen ma seexdoo adaa i haleeyay
Hadal ma doonoo adaa i hanqaaray

Adaa i habawshoo ii hiilin waayay
Hablaha asaagay adaa iga reebay

Hawada beena halkaan jiqlaysnaa
Kaa hawl yaraystee hankaaga raadso

Waan kaa higoodee habeen wanaagsan

Hamo madhanbaad hayaan ku raratoo
Hoosiiska beenaad hirdoogle moodo
Hantaaqadaydaad ku hiirsanaysee
Hogaad qodaysaad ku habaq tidhi

Exit mobile version