Cir onkaday hillaacii hillaacii
Mar baan laga cabbaynoo 2x

Cosobka marbaa jira
Laga waaya ciiddoo
Cagaarkiiii guyaadsaday
Maanta caynkii maahee

Ceeryaama subaxeed
Noqay caashaqaagii
Ceeryaamo subaxeed
Noqo caashaqaagii
Anna kuma caloolsami

Haddii uu culays jiray
Maad calool adayginee
Haddii uu culays jiray
Maad calool adayginee

Caashaq baan illeen siday
Aaan caga ku taagneeyn
Caashaq baan illeen siday
Aaan caga ku taagneeyn

Cishadii ku dhaaftaan
ku dhaaftaaan
Soo celin waqtiga oo
Cishadii ku dhaaftaan
ku dhaaftaaan
Soo celin waqtiga oo

Caadka iyo daruurtaa
Cadceeddaa mar qariyoo
Gudcur iyo cadda is xigaa
Waana calaf nasiibkiyo

Cuudkii irmaanaa
Adna caana
Kama dhamin
Weeeeey
Cuudkii irmaanaa
Adna caana
Kama dhamin
Anna ciirsi loo degay

Haddii uu culays jiray
Maad calool adayginee
Haddii uu culays jiray
Maad calool adayginee

Caashaq baan illeen siday
Aaan caga ku taagneeyn
Caashaq baan illeen siday
Aaan caga ku taagneeyn

Exit mobile version