Heesta Xiray ninba dareenkisa - Lyrics
Dad midkaan xurmaynayso
Haduu kaa xishoon waayo
Xeerka aad tix galinayso
Hadii uu xaalayn waayo
Adna sow xurmayntiisa
Xumo ugu badali maysid
Adna sow xurmayntiisa
Xumo ugu badali maysid
2x
Qofkaad u xiiqayso
Haduu xasadka kuu raaco
Sow xidhiidhka dhankiisa
Adna kama kama xanaaqeysid
2x
Wanaagaan xanaaneeyay
Een xanaaneeyay
Markaad goysay xadhigiisa
Ana xidhay dareenkiisa
Oo dareenkiisa ninba dareenkiisa
Xidhay dareenkiisa
2x
Qofkii aad xilka u dhiibtay
Haduu xeelad kale moodo
Qofkii aad kasha u xaadhey
Hadii uu xiiso xiiso galin waayay
Adna sow xasilintiisa
Xujo kama horkeenaysid
Adna sow xasilintiisa
Xujo kama horkeenaysid
2x
Xigto kaa dadkaba moodey
Haduu xin kuu quudho
Sow xajiintu kaa dooney
Adna uma uma uma xambaarayside
2x
Wanaagaan xanaaneeyay
Een xanaaneeyay
Markaad goysay xadhigiisa
Ana xidhay dareenkiisa
Oo dareenkiisa ninba dareenkiisa
Xidhay dareenkiisa
2x