Markaan ku ag joogay Urugaba maan qabin
Abaarsaday dhaayihii Ku eegan jiroo
Adoonsay jacayl naftii awgaa
Sidaad arad kale u aaday naftii
Hadmuu iman bay rajadu ulataa
Illaah ha igu simo inaan ku arkee
Qalbiga ka ilaali walaac idilkii

Oorida nin rageed illaahay siiyayee
Ayaanku uu ku simo adoo kalebaa
Nasiib uga eexday aadmiganoo
Markaan aqal kula galee
Ubadna kuu dhalay
Nolosha idilkeed farxada ku abshiray
Illaah ha igu simo inaan ku arkee
Qalbiga ka ilaali walaac idilkii

Exit mobile version