Baadi doonkii yurubiyo
Baryo xiisaheedii
Adigaa bogaadshoo
Ii diray badweeyntee

Haddii uu yar baaqsaday
Sharcigii bad loo maray
Saaxiib ha boodinee
Caashaqii bartiisii
Iyi meel kasii badan

Baryahaanba saaxiib
Badan baan maqlaayee
Waligaaba baydh baydh
Ama baarcaddeeyoo
Bardoo waan ku jecalahee
Ha iga jarin bariidada
Ruux u baahday baa ogee

Barafkaa dhacaayee
Bini aadam daayoo
Bahalihii ka hooydeen
Bacadbaabu ila yahay

Dabkan iga baxaayiyo
Qurba baahidiisiyo
Ba’anaa wax tabashada
Naf jacayl babinayaa

Baryahaanba saaxiib
Badan baan maqlaayee
Waligaaba baydh baydh
Ama baarcaddeeyoo
Bardoo waan ku jecalahee
Ha iga jarin bariidada
Ruux u baahday baa ogee

Waligii ma baa ba’u
Mana baxo jacaylkuyee
Marka horaanu biya dhigin
Kuwaa baal maraayeee

Boogahaaan dhayaayiyo
Ha igu kicin baashoow
Beerkaa xanuun jiraa

Baryahaanba saaxiib
Badan baan maqlaayee
Waligaaba baydh baydh
Ama baarcaddeeyoo
Bardoo waan ku jecalahee
Ha iga jarin bariidada
Ruux u baahday baa ogee

Exit mobile version