In jacaylki qani yahay
Roobaan qaadin uu yahay
Beer qabooje uu yahay
Qalbigana u roon yahay

Qorshihiisu wacan yahay
Qayrkiisu badan yahay
Hadii la isla qaadana
Qanciyaha naftaba yahay

Anoo maanta qirayoo
Waan qeexayaaye
Qoys aan yagleelnee
Bilanoow wax ila qabo

Anaa maanta qirayoo
Waan qeexayaaye
Qoys aan yagleelnee
Bilaneey ku qaabilay

In jacaylku qayb yahay
Qaxar iyo dhib leeyahay
Hadaan la isla qaadayn
Qof waliba u daran yahay

Qandhadiisu wayn tahay
Uu qayaano badan yahay
Hadaan la isla qabanayn
Uu qasaaro leeyahay

Anaa maanta qirayoo
Waan qeexayaaye
Qoys aan yagleelnee
Bilanoow wax ila qabo

Anaa maanta qirayoo
Waan qeexayaaye
Qoys aan yagleelnee
Bilanaaye ku qaabilay

Exit mobile version