Habeenkoo cuskaday madoow
Indhahaan cabiri karin
Aragtida cadayn karin
Cadaankaa casuusliyo
Ilays caawiyaan jirin
Ana guul ku ciirsiga
Cawadiyo nagaanshaha
Adigoon caloolsami
Farxad ila cawaynayn
La,aantaa miyaan ciil
Caloolyow ka bixi laa
Calaf kaan wadaagnoow

Dharaar ciida inagoo
Bada cidhifka joognoo
Caashaqeenu ugub yahay
Sawtaan go,aan culus
Cugashada ku gaadhnee
Calafkeenu meel maray
Sawtu caadil awlaad
Ina siiyay ciirsi loo
Qoys noqonay cawo badan
La,aantaa miyaan ciil
Caloolyaw ka bixi laa
Calafkaan wadaagnoow

Exit mobile version