Heesta Dhib caashaq waa dhoof - Lyrics
sawtii aan guyaal iyo
galin aan ku sugi jiray
anigoo gayaanka
gabdho kula simayn
anba gocosho reenkiyo
waan qabay gubtaanyoo
gadh madobe kula siman
miyaan sheeko kaba guray
sawdigii ka gaabsaday
naftii gacaldaydaay
caashaqu galbinayee
goorba kuu hanwaynayd
kalgcaylka maan gabin
mana goynin wacdkii
waxa dhigay gafkaa
inuu dhoofka yahay garo
qalbigii gargaarkiyo
shalay garabka kaa rabay
kumaad soorin garashada
wuxuu adiga kaa gayo
garta haygu moosine
bal garwaaqo inan yahoow
qayi kale hadaan tagay
muu gudhin jacaylkuye
naf garasha wayda a
go,aan kaa qaadatee
hayga filan gadii horee
galdalooladii jiray
kuma kala go,aynee
go,aankaa ka soo noqo