Heesta Doon doon - Lyrics
Dunidaba dhammaan
Kaan ka doortayoo
Waan ku doondoonoo
Kugu daaley
Waan ku doondoonoo
Kugu daaley
Ha iga sii durkinee
Dawadii naftaydiyo
Dookhaygii baa tahee
Dartaa caashaq baa
Dusha iga rartoo
Dartaa caashaq baa
Dusha iga rartoo
La dayeeysanee
La dayeeysanee
Kaalay iga dabiib
Wuu i daashadee
Kaalay iga dabiib
Wuu i daashadee
Dugsigaygiiiyooow
Hadmaan iga daweeyn
Aan ku diirsadeee
Hadmaan iga daweeyn
Aan ku diirsadeee
Dareeniyo kalgacal
Dookhu kuu raboow
Kuma deeyn karayee
Dabiibkaygoow
Kuma deeyn karayee
Dabiibkaygoow
Dar alleee adigaĆ
Jirku kuu damqadoo
Da'da kaa calmadee
Daymadiyo araggaa
Dusha kala socdoo
Daymadiyo araggaa
Dusha kala socdoo
Kugu doogsanayee
Kugu doogsanayee
Kaalay iga dabiib
Wuu i daashadee
Kaalay iga dabiib
Wuu i daashadee
Dugsigaygiiiyooow
Hadmaan iga daweeyn
Aan ku diirsadeee
Hadmaan iga daweeyn
Aan ku diirsadeee