Labba xiisuhu mideen
Jacaylka wada xanbaarin
kalsoonida wada xumeenin
Xubiga biyo dhigin kashooda

Sidayna isu xaqdhoowrin
Mawaayaan xagal daacee
Kolkaan xabadkaad ku tale
Jacaylka xuskayskiisa xooji

Adaan ku xushoo xaqiiqso
Xiskayga dagtoo yaqiiinso
Inaa tahay gacayliye xaajigayga

Labba aan caashaqa xushmaynine
Xirkaysina aan oqoonin
Dad xaasid baa dhantaalo
Xilkiisana way gabaanee

Ma nihi ??
Naf baan kuu xidhay xasuuso
Badaan Kuu xalay dhaxseexo
Gudoon niyad kuu xabiiba ah

Adaan ku xushoo xaqiiqso
Xiskayga dagtoo yaqiiinso
Inaa tahay gacayliye xaajigayga

Exit mobile version