Heesta Gacaliye - Lyrics
Naf kadeedanoo
Koorihii cishqigu
Kabaalada jacayl
La korsaarayoo
Ku rabtaan ahee
Kaalmiyo inaad
Iga kaafisaaan
Kaa rabaa gacaliye
Adna kaa rabaa
Kurbadiyoo
Xanuunkiyo
Kaarkiyo
Dhibaatada
Naftaan aad ku beertee
kunajecel kaliyo laab
Haka kali adeeginee
Kaalmee walaal
Naf jacaylku kediyoo
Kurbanaysa muhasha caashaqu
Ku kaliyeeyay
Aawadaa kadeed u kalifaaan
Kalifaan ahee
Naftayduna kalgacal
Aan la koobi karin
Kuu qaadayoo gacaliye
Kurbadiyoo
Xanuunkiyo
Kaarkiyo
Dhibaatada
Naftaan aad ku beertee
kunajecel kaliyo laab
Haka kali adeeginee
Kaalmee walaal