VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Han - Lyrics

Darri iyo hadraawiyo Ganeey kiihalleelee Idan halista galiyee Ina taraabi helayee Cagaf tuu ka heesiyo Qays kii hoggaansaday Cilmi uu la hooydaa Ina wadaa hareeyee Anigunaa hubaashii Waan kuu hanweeeynoo Ha halleeynin caashaqa Hareertaada ka arkood Anigunaa hubaashii Waan kuu hanweeeynoo Wadnahaygu hanadoow Hooygaaga weeyaan Sid ahogal da'aysiyo Hawdiyo togdheeriyo Xaruntii hargaysiyo Booramee ku hoortoo Hoobaanta geeduhu Malab hibitiqaysoo Lagu soo hirtaabaad Hiyiga uga dhigantahee Anigunaa hubaashii Waan kuu hanweeeynoo Ha halleeynin caashaqa Hareertaada ka arkood Anigunaa hubaashii Waan kuu hanweeeynoo Wadnahaygu hanadoow Hooygaaga weeyaan
Queue is empty
-- / --