Halyeygaan jeclaayoow
waxaa tahay hubaashii
Hanaqiyo beerkiyo
Halbawlayaasha dhiigiyo
Hani waan ku jecelahay
Ku hanwayni Kuu hiloobay
hamigaygu Inuu adi yahay
Ha hilmaamin ha yaraysan
Naf kuu heelan baan ahee

Hanadkii i deeqoow
Naftaan ku hibeeyee
Kuuma quudho hadimee
Hab wanaagsanaantiyo
Iga hoo jacayl dhaba
Kuu hanwayni kuu hiloobo
Hamigaygu inuu aduga yahay
Ha yaraysan ha hilmaamin
Naf kuu heelan baan ahee

Exit mobile version