Gaariye hadraawiyo
Ganey kii haleelay
Iidan halista galiyo
Ina tarabi helayee
Cagaf ku ka heesiyo
Qays kii hogaansaday
Cilmi kuu la hoydaa
Ina wada hadheeyee
Aniguna hubaashii
Waan kuu han waynio
Ha halaynin caashaqa
Hareertaada ka adkoow
Aniguna hubaashii
Waan kuu han waynoo
Wadnahaygu hanadoow
Hoygaaga weeyaan

Sida hogal da,aysoo
Hawdiyo togdheeriyo
Xaruntik hargeysiyo
Boorama ku hoortoo
Hoobaanta geeduhu
Malab hibitiqaysoo
Lagu soo hirtaabaad
Hiyiga uga dhigantoo
Aniguna hubaashii
Waan kuu hanwaynoo
Ha halaynin caashaqa
Hareertaada ka adkoow
Aniguna hubaashii
Waan kuu hanwaynoo
Wadnahaygu hanadoow
Hoygaaga weeyaan

Exit mobile version