VOA A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U W X Y Z


Hanasho Lyrics

Haweenbaa hooda sheegta
Haweenbaa samo u hiisha
Haweenbaa qaran u hagaaja
Haweenbaa hadimo beerin
Hog iyo booraan la eedo
Halbawlahee horumarkeena
Iyaga weeyaan hubaal
Hirkiyo nabadaynu joogno
La,aantood lama heleenba
Adoon hagranaynin
Ciidaada hooyo
Adoon ku halaynin aadmi
Hayaanka adoon ka gaabin
Halkaaga dadaal ka muuji

Shisheeye hadh kuuma jiido
Haraad cadaw kaama biiyo
Baryana way kula hadhaaye
Adoon sharafttada hiijin
Hankaagana aan ku laalin
Aqoonsiga hanashadiisa
Iskaa haamaha u dhaanso
Iskaa hoobaan u beer
Intaad hooda uun sugayso
Adoon hagranaynin
Ciidaada hooyo
Adoon ku halaynin aadmi
Hayaanka adoon ka gaabin
Halkaaga dadaal ka muuji

loading..
-- / --