VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Igu adkow - Lyrics

Adaan inanyahay ku doortay Adaan axdi kula wadaagay Adigaa arimaha jacaylka Adkeeyo ila ilaashay Adaa inta nool aduunka Adaan aadmi kaa ishaartay Adaa ani ii ahaadoo I baray jacayl iyo xogtiisa Farxadu way noo siyaaday Macaan igu fara adkoow Run baa dawo noo ahaatay Macaanto igu faro adkoow Naftaan isu aaminee Xabiibi xayaati Xabiibi macaane Igu fara adkoow Adaa qaaliyeey astaan san Adigaa mudan amaanta Adaa bu,da araga hoose Ku nool oo iftiinka siiya Adaa ololaha jacaylka Adaa farxada u daara Adiga ani igu lamaano I haboo danta igu hagaaja Farxadu way noo siyaaday Macaan igu fara adkoow Run baa dawo noo ahaatay Macaanto igu faro adkoow Naftaan isu aaminee Xabiibi xayaati Xabiibi macaane Igu fara adkoow
Queue is empty
-- / --