Adaan inanyahay ku doortay
Adaan axdi kula wadaagay
Adigaa arimaha jacaylka
Adkeeyo ila ilaashay
Adaa inta nool aduunka
Adaan aadmi kaa ishaartay
Adaa ani ii ahaadoo
I baray jacayl iyo xogtiisa
Farxadu way noo siyaaday
Macaan igu fara adkoow
Run baa dawo noo ahaatay
Macaanto igu faro adkoow
Naftaan isu aaminee
Xabiibi xayaati
Xabiibi macaane
Igu fara adkoow
Adaa qaaliyeey astaan san
Adigaa mudan amaanta
Adaa bu,da araga hoose
Ku nool oo iftiinka siiya
Adaa ololaha jacaylka
Adaa farxada u daara
Adiga ani igu lamaano
I haboo danta igu hagaaja
Farxadu way noo siyaaday
Macaan igu fara adkoow
Run baa dawo noo ahaatay
Macaanto igu faro adkoow
Naftaan isu aaminee
Xabiibi xayaati
Xabiibi macaane
Igu fara adkoow