Labaan kalgacaylka lumin
Lib iyo liibaan hantoo
Lilaahina noqonayee
Hadaanan lubiga ku ool
Amase laamaha qalbiga
Miyaan kaa lulan lahaa
La aantaa ma ladayoo
Kaa leexan maayoo
Lagiyo beerkaad dagtoo
Lac kusoo dheh caashaqa

Laylka dhexe habeenkii
Saw laydha lahashadu
Halbawlaha i luli mayso
Hadaan ladhka xiisuhu
Dhuuxiyo lafta hantiyin
Miyaan kula loodin lahaa
La aanta ma ladayoo
Kaa leexan maayoo
Lagiyo beerkaad dagtee
Lac kusoo dheh caashaqa

Exit mobile version