Heesta Lammaane - Lyrics
dookhaa isu dara laboo
is doorta idhaa lamaane
kashiyo laabaha mideeya
lamaane waaxaa tihiin
lilaahi isu doortay
lagiyo beerka iska jecel
wuxuu kuu yahay laxaad
haboon lafta dhabarka ee
siduu kuu lexojecleeyo
adna lurka uga ilaali
sidaad same ugu ladaan
lagiyo beerka iska jecel
damaca lubigu naftiina
leexaduu idin saaray caashaq
jidkii kamuu leexanoo
waxaad isu tihiin lilaahi
libtyo guushii haleelo
lagiyo beerka iska jecel
lugooyo kugu dooni mayso
jacfaroow laxaw kugu dhacee
siday ladan kugu tahee
ladnaan adiguna usiiyoo
a laayicin wada jirkiin a
ladaabta jacayl rasmiya
lagiyo beerka iska jecel
3x