Laxawga caashaqu dhib badana
Laydhuu qofkay sidaa
Lulumo ka itaal yaraa
Lubiga nugulaa darta
Dhayaha libiqsaga xafida
Daymada kugu ladhi ogaa
Lulayeey laamaha cishqiga
Laaciisa fogaa midhaha
Laab uu kalgacayl hayana
Xiisuhu kugu ladhi ogaa

Lugihii socodka u nugulaa
Laxaadsan ogaa dhankaaga
Rajadu kugu laabanaa
Liishaanka jacaylku ridaa
Nafiyo lud ku dhararsanaa
Liibaantuna ii dhawaayey
Lulayeey lamaha cishqiga
Laaciisa fogaa midhaha
Laabuu kalgacayl hayana
Xiisuhu ku lifaaqanaa

Exit mobile version