VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Markaad soo baxdaa lay badalay - Lyrics

Soo baxdaa lay badalay Waa baystayoo Markaad soo baxdaa lay badalay Keenu waa beer baxdaye Bogsoo bood jacayl Keenu waa beer baxdaye Ka nuur badaneey baar cadeey Biladaye ka nuur badaneey baariyeey Ka nuur badanoow baariyoow Biladaye Kanuur badanoow baariyoow Ala inaadeer masfal dheereey muhiimeey waxa weeye nuhiimeey waxa weeye muuqaalkaagiyo jooga midabkaaga la moodo midha ceediyo madheedhka markii aan mar jaleeciyo muxubootay naftoodaydu jidhku way malacyaynoo meeluunbaa hii leey Ma bil dhalatayoo loo bishaareeyaybaa Ma yartii baadidoonka loosoo baxaybaa Bilo iyo beryaad ii bildhaan muuqatoo Boholyaw baa idilay Sida beer wax dhalay Baxsanoow adaan Boholyaw kuu qabee Kaalay beeldaajiyoow Kanuur badaneey baarcadeey biladaye Ka nuur badaneey baarcadeey Ka nuur badanoow baariyoow bila daye Ka nuur badanoow baariyoow
Queue is empty
-- / --