Lamaane kalgacayl dhexyaal
Labada isku daacadiyo
Lab iyo dhidigii sideena
Dadbaa jecel lurkoodoo
Laraadsha lugooyadoo
Midkay laabtu doorotow
La,aantaa nolol laandheh
La,antayna waa khasaaroo
Qudhaadaa laciif dareemee
Beenweeyee kaama leexan
Beenweeyee imaad lugoynin
Sidii nafta iilaleedahay
Sidiibaad ulushaa qalbiga

Libtiyo guulaha qofgaadho
Nololbaa jira lamaro
Ladhkiyo waayaha aduunku
Laabtii nugulbay dhibaane
Wakhtigiyo xiligaa qof layliya
Laxaadkaan ku ciidimiyow
Maqnaantaa lula la,aan dheh
Laxawgiyo ciilbadnaan dheh
Agtaadana laydh macaandheh
Beenweeyee kaama leexan
Beenweeyee imaad lugoynin
Sidii nafta iilaleedahay
Sidiibaad ulushaa qalbiga

Exit mobile version