siduu hanku kuu naaxo
siday naftu kuugu xiistio
sidaa uga raytay nogid

sidaad iigu laab nuglaatid
sidaad niyad iigu deeqday
sidaad nalka iigu daartay

sidaad nacab iiga dhawrto
ka garay nin arkaa dushayda
naaga rag is dhaafshay waa dhab

sidaad naxdin iiga dhawrto
ka garay nacabkii korkayga
marwa nin baa kaaba waa dhab

gobiyo nasabeey dhul doogle
nqa baan dagaynaa dhawaane
u sheeg nafta guri galkeena

nasiibkeenii tis qaadye
ha quusto namiimiyihiye
jacaylka ka naar iblayska

nasteexada dhiirintaada
adeeca iyo dhago nugaylka
naruurooy camal samaantu

naf qaybsi xilqaadistaadi
kartida naxariis dulqadka
nasaadkiyo kalsoonidaada

kashay nasisaa riyaaqday
naxliyo iga dhawrtay nitaaqo
la,aantaa nolo ma sheegto

nabdiga ku taba ku naadsha
ku nuursada daymadaada
naftaadu naftayda weeyi

gobiyo nasabeey dhul doogle
naq baan dagaynaa dhawaane
u sheeg nafta guri galkeena

nasiibkeeni tissqaadye
ha quusto namiimiyiiihiiye
jacaylka ka naar iblayska

Exit mobile version