VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Nasiib - Lyrics

Maxaan halasaha kalgacal Haydaartay dhibtiisa ba'an Qarsaday hagardaamadii Huqdii beerka igu qabay Muxuu halacsiga hubiguu Humaag ii loogayoo Hankaygu qofaan i rabin Naftayda usii horkacay Nasiiib ii hiilliyaa Hiddaydu ku raystoo Habeenkalee ii dhigtee Wanaag iimaad hanbeeyn Maxaan hurgumada cishqiga Inaan hadal qaaday iyoo Hawraarta kamaanacoo Indhaha hoos kaaga rogay Hafeeftii markaan kaladay Hansiga ruuxii kasbadaa Hubaal kama baaqsadee Adkayso hadduu ku helay Nasiiib ii hiilliyaa Hiddaydu ku raystoo Habeenkalee ii dhigtee Wanaag iimaad hanbeeyn
Queue is empty
-- / --