Heesta New dhaanto - Lyrics
Soo baxdaa la i baddaly
Waa basteeyo markaad soo baxdaad la i beddalay
Keennu waa beer baxdayee
Bogsa oo bood jacayl
Keennu waa beer baxdayee
Kanuur badaneey
Baar cadeey
Biladaayee
Kanuur badanoow
Baariyoow
Bila daayee
Alla ina adeer masbal dheereey
Waxaa weeye
Muuqaalkaaga iyo jooggiyo midabkaaga lamoodoo mira ciidiyo
Mareerka
Markii aan mar jalleecoo
Muxubootay naftaydu
Oo jirku waa i milacyeenoo
Meel un baa i higlee
Huunnooy ma bil dhalatoo loo bishaareeyay baa
Ma yartiibaadi doonkeeda loosoo baxaay
Bilo iyo baryahaad
Ii bildhaan muuqatoo
Boholyoow baa idilay
Sida beer wax dhalay
Baxsanoow adaan
Boholyoow kuu qabee
Kaalay beeldaajiyoow
Kanuur badaneey
Baarcadeey
Bila daaye
Kanuur badanooow
Baariyoow
Bila daayee