Heesta Qalbi - Lyrics
Qaaradahaa adduunyada
Quruumahan ku kala nool
Ee qaarba nooc yahay
Adaan kaa qorshaystoo
Naftu kuu qushuucdee
Kaana quusan maayee
Kaalayoo wax ila qabo
Qalbi ooman
Niyad kugu qafilan
Intaad qiyaastoo
Kaalay laabta igu qabo
Qacdii aan ku arkayba
Laabtayda qaaddoo
Niyaddayda kugu qoray
Adaan kugu qabooboo
Qumanoow ku jecelahee
Qiimee kalgacalkoo
Ka ilaali qaladkana
Qalbi ooman
Niyad kugu qafilan
Intaad qiyaastoo
Kaalay laabta igu qabo