VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qalbi naani - Lyrics

Nacas yaa jeclaan jiray Nabdigiisa galin jiray Yaa nasteex ka dhigan jiray Niyadiisa siin jiray Yaa naqaysan jiray ruux Adigoo dartii nugul Hadalada nuxuust ah Sida nadiga kula dhaca Qaado xaal naftaydaay Qalbi naani dhagaxiyo Qof nacaybka door biday Haka sugin naruuree Nacas yaa jeclaan jiray Naxariis ka fili jiray Yaa nin moodi jiray raga Naf la qaybsi bidi jiray Maxaan kuugu nabanahay Ma naas baad isiisaa Mise waxaan ku naaxaa Hungadiyo nitaaqada Qaado xaal naftaydaay Qalbi naani dhagaxiyo Qof nacaybka doorbiday Haka sugin naruuree
Queue is empty
-- / --