Toobiyihii guushaan hayaa
Tigaadiyo naq baan arkaa
Tilmaan sharaf laan rabaa
Talaabo san baan cugtaayoo
Tusmiyo hoodaan sidaa
Wuxuu caashaqu tariyo
Taliyo arin baan wadaa
Taageeraan kaa rabaa
Taashkii farxadaan xidhnoo
Tayadii noloshaan hantee
Tabaalo raboow allow iga dhawr

Taariikh wacan baan dhisaa
Nasiib togan baan fishaa
Tacab qaayo laan unkaayoo
Taran khayrlaan korshaayo
Himilo san baan ku taamaa
Tusaale iyo nuxur baan maqlaa
Tusan iyo guul baan jantaa
Taagtay samahaan gashaa
Taashkii farxadaan xidhnoo
Tayadii noloshii hantee
Tabale raboow allow iga dhawr

Exit mobile version