baadi doonkii yurubiyo
baryo xiisaheedii
adigaa bogaadshoo
ii diray badwayntee

hadii uu yar baaqsaday
sharcigii bad loo maray
saaxiib ha boodine
caashaqii bartiisii
iyo meel ka sii badan

baryahanba saaxiib
balafbaan maqlaayee
waligaaba baydhbaydh
ama baar cadeeyoo
bardo waan ku jeclee
ha iga jarin bariidada
ruux u baahdaybaa oge

barafkaa dhacaayee
bini aadmi daayoo
bahalihii ka hoydeen
bacaadbaabu ila yahay

dabkaan iga baxaaye
kurba baahidiisiyo
ba'aana wax tabashada
naf jacayl babinaayaa

waligii ma baaba'o
mana baxo jacaylkuye
marka horaanu biyo dhigin
waan baal maraayee

bogahaan dhayaayiyo
ha igu kicinin baashoo
beerkaa xanuun jira

Exit mobile version