Heesta Xis Ft Mursal - Lyrics
xiliggoo ah barwaaqa
yaa lamaana xariira
xidigooda u eega
xasilooni hankooda
yaa xalaal u waraabsha
xidhiidhkooda adkeeya
jacaylkooda xuskiisa
ubax laysku xasuusto
xurm yaa uggu deeqa
xafladooda arooska
xidid haysku bartaane
xigto yaa ugu yeedha
kalgacayl xafidaadiyo
sideenaasi xaqdhawriyo
xiiso yaa ku barbaarha
xaqiiq ha isku mutaane
sideenaasi xabiibi
xor yaa hoy u yagleela
xuquuqdii wacadkkooda
yaa jacaylka ku xeersha
xanaaneeya damiirka
xiska yaa ka midooba
xidika dhiiga wareeja
xinjirtiisa wadaaga
xilligay is arkaanba
xubnahooda dareenka
xogta yaa isku siiya
keenu waaba xad dhaafe
yaa xanuunka mid gaadha
xumadiisa yaa dareema
kalgacayl xafidaadiyo
sideenaasi xaqdhawriyo o
xiiso yaa ku barbaarsha
xaqiiq haysku mutaane
sideenaasi xabiibi
xor yaa hoy u yagleela