VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Abaay ii imaaw - Lyrics

abaayo ii imaaw aqalkayga soo gal abidkaaga ila joog ha bixin ha bixin ubax soo udgaaya tahee qorax soo ifaysaa tahee aragaa ku arwaaxsadee intaan ila joog axdigi ma ilaawin ogoow uurkaad iiga taala ogoow indhahayga iftiinkood adaa ii ahayde ogoow abaayo ii imaaw aqalkayga soo gal abidkaaga ila joog ha bixin ha bixin abshiraystay markaan ku arkee edab iyo asluub badnaeey aragtaye adoo kale abidkay ma saarine dusha iiga iftiin badaney laabtay u rooneey jacaylkaaga aan rabaaye ha xishooonin agtayda imaaw abaayo ii imaaw aqalkayga soo gal abidkaaga ila joog ha bixin ha bixin
Queue is empty
-- / --