Hanaankaaga wanaagsan
Marka aad i horjoogto
Sida heega daruurta
oo kale ii shircaya
Ayaan kuu daydayaayooo
Awadaa uharaaday

Howl baad ibadoo habaabay
Habaabayee hiloway

Hilabkayga iyo Jidhka
Halbowlaha u ahaydoo
Hadana way ku jeclaato
Adiga harsanaayay
u Hagoogo naftayda
Halis bay ku jirtaa

Howl baad ibadoo habaabay
Habaabayee hiloway

Waxa aan hanti leeyahay
Adna kaa hagran maayoo
Haween dhan agtayda
Adiga uhoreeyee
Waa inaan ku helaayoo
Cidna ha igu halayn

Howl baad ibadoo habaabay
Habaabayee hiloway

Exit mobile version