da,daay midaan ka xushaay
dareen jacayl midii
daacad ila wadaagtaay
ubax aan ku ildoogsadiyo
ubar doora ii dhashaay
miyaan ku dayrin karaa
hadaan dooran lahaa
dunida qof ka dooran lahaa
adaan dib kuu dooran lahaa
hadaan dumar caashaqi lahaa
adaan dib kuu caashaqi lahaa
waad ideeqdayoo
dabac suubaneey
dajiyaa tahee
haku daayo eebe
sidaa iigu duubnoow

sidii ubax daraya
yartaan u daawan jiray
waxay damacdo laabtabi
midaan diiday igu odhan
hadal dabacsan leeyeey
tumaan kugu doorsan karaa
wixii aad dalbato
dookhaagu dalbado
anay dushayda saarantahay
hadal qalbigaaga dura
anaan kolba kugu dayayn
waad i deeqdayee
dabac suubaneey
dajiyaa tahee
haku daayo eebee
sidaa iigu duubnoow

Exit mobile version