Heesta Alahayoow - Lyrics
culasaa ALLAHAYOW
naftu caato badanaa
arimuhu cuyubanaa
ciil kaanbi waynaa
ma dhulkaan colowno
cirkanaa igu soo dumay
waa maxay cidhiidhigu
calaf lama hor joogsado
ana kuuma cadho qabo
ciil kaanbi ha udhiman
talo waa calool adayg
haduu wacadkii caariday
ana caashaq ha i dilo
adna caano iyo nabad huuno
cimrigaa ku noolow
waxay daruuri curataa
markuu CAADIL shubayee
dhirtu waxay cusbaataa
oy curubta saartaa
markuu ciidu qoydee
xidadu cabaanbay
bixisaa caleentee
waa hadal caqliga gala
ama la isku celiyee
waxse caawa ii daran
taladan cayn wareegtee
ana culuq ILAAHIYO
caynaano ii maqan
adiguna caqiibiyo
caafimaad ku noolow
calooshuna kumay nicin
cidna kaama raacine
sow nabadii ceeliyo
cunsur aabo kuma ridin
ana sow canaan iyo
cadho waalid kama qaban
miyaan tiisii caaribay
ubad waa la celiyaa
cudud loogu faana
caashaqa ku weerara
ayaa looga cawdaa
nin caanaan ka yaabayn
ceesaame doojee
caadada dadkeenuna
inay cidhib la'aan tahay
jacaylkii ceebliyo helay
ee dilay cilmi iyo hodan
sow laguma caayin
anba igu cuslaayoo
sidii caamir loo helay
ciirciirisbaan ahee
adigana ma ku cuskaday