VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Badawnimo - Lyrics

Eeeey..! Markuu caashaqu balaadho Markuu beerkayga saaqo Markuu xubin xubin u goobo Wadnaha uu baro u yeelo Way badiisa markan dabaasho Intuu beegsado bogayga Qalbigu boholyow la ooyo Bartaad joogto aan jeclaado Hablaha kala beer ka yeesho Hadaad hadaad gees iiga baydho Haweenkuba ruux bukaana Badbaado u hiilintiisa Jacaylku baxnaanintiisa Maahin baab lagu yaqaane Anay badownimo i qaaday *** *** *** Weeeey..! Baahida ruuxii yaqanaa Beekhaaminta xoolahiisa Badhaadhe si uu u gaadho Dadaal iyo baratankiisa Hurdada show kuma bariisto Jacaylkuna wiil bashaasha Baxdownino lagu yaqaano Intuu basan baas ku reebo Biixida lafahiisa feento Bulshadu way wada ogaato Haweenkuba ruux bukaana Badbaado u hiilintiisa Jacaylku baxnaanitiisa Maahin baab lagu yaqaane Anay badownimo i qaaday Lyrics by Ibnu Hashi Muuse
Queue is empty
-- / --