Eeeey..! Markuu caashaqu balaadho
Markuu beerkayga saaqo
Markuu xubin xubin u goobo
Wadnaha uu baro u yeelo
Way badiisa markan dabaasho

Intuu beegsado bogayga
Qalbigu boholyow la ooyo
Bartaad joogto aan jeclaado
Hablaha kala beer ka yeesho
Hadaad hadaad gees iiga baydho

Haweenkuba ruux bukaana
Badbaado u hiilintiisa
Jacaylku baxnaanintiisa
Maahin baab lagu yaqaane
Anay badownimo i qaaday

*** *** ***

Weeeey..! Baahida ruuxii yaqanaa
Beekhaaminta xoolahiisa
Badhaadhe si uu u gaadho
Dadaal iyo baratankiisa
Hurdada show kuma bariisto

Jacaylkuna wiil bashaasha
Baxdownino lagu yaqaano
Intuu basan baas ku reebo
Biixida lafahiisa feento
Bulshadu way wada ogaato

Haweenkuba ruux bukaana
Badbaado u hiilintiisa
Jacaylku baxnaanitiisa
Maahin baab lagu yaqaane
Anay badownimo i qaaday

Lyrics by Ibnu Hashi Muuse

Exit mobile version