Heesta Bushra - Lyrics
bushra edebsanbuu
BOQOR siiyayo
bilic quruxsanbay
bilis dheertoo
nasab badhax lebay
ku banaantehe
boqolaha hantow
karti badnidaa
bandhigiyo shacnigu
waa bilay samoo
waa bayd wanaag
ku binaysinoo
waa barbaar kalgacal
ku biilaysintoo
balantay dhigteen
ka badheedhayee
waa balad gobaad
iyo beel nabdeed
waa gole la bilay
iyo beer jacayl
waa bili nasiib
iyo beegsi khayr
bigil iyo u tuma
dhaanto iyo balwo
baydkay dhiseen
ku bogaadiyoo
barakiyo wanaag
ALLE uga barya
waa bayd xalaal
ku binaysanoo
bisin iyo xalaal
burde looga dhigay