Heesta Calanyahoow Baluuga - Lyrics
Calanyahow calanyahow baluugee
xidigta xidigta cadaankee
dhexda kaga cabirantee
cizigii xoriyadeed
lixdankii ku caanbaxoo
inshallahu marbaad curanoo
Rabi soo celin cududaadoo
sida curubta iyo
ubax curdunaad carfi doonta
Oo cizigaagii markale soo celin
cirku hibo furi
dhulku wada cagaaran
colaad laga fayoobaan
inshallahu marbaad curanoo
Rabi soo celin cududaadoo
sida curubta iyo
ubax curdunaad carfi doonta
cishaa imane calanyoow
caalamkoo idil calanyoow
laga cizeyn calanyoow
codkaagu shaqeyni calanyoow
caradaada dahabka calanyoow
shidaalka camiran calanyoow
ceeyriin la soo bixi calanyoow
oo ceyr kaga bogsani calanyoow
inshallahu marbaad curanoo
Rabi soo celin cududaadoo
sida curubta iyo
ubax curdunaad carfi doontaa