ma ogtahay dadnimo
waa darajo aadmiga
illaah ugu deeqa oo
garaadkaa u dooranee
dabacaa kala saarayee
gobay gobi doonataa
gunbay nacasnimo dagta
aniguna dumar taan calmaday
i deeqdaye daa,imoow
aayaha inaan meel la dago
adigaa dawgeed hayee
sidaan rabno noogu deeq

ma ogtahay durduro
doobaa ku naaxee
waayeel in looga digo
duqay baa laga hayaa
jacaylkana daacadiyo
ismaqal baa doojiyee
jikaarkuna wuu dishaa
aniguna dumar tan calmaday
i deeqdaye daa,imoow
aayaha inaan meel la dago
adiga dawgeed hayee
sidaan rabno noogu deeq

Exit mobile version