VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhalaal badan - Lyrics

Dhirtoo ubaxlaad qadraay dhalatoo Dhulkoo rayslaad dhaqaaq baratoo Waxaad tahay dhool Dhammaystiraneey Waxaad tahay dhool Dhammaystiraneey mugaad dhugiyeey Dhumuc haysataaad Barwaaqa la dhaaryay Geelu dhalayoo Waxaa tahay dhaada dhalaal badaneey Dhabanka quruxdaada Dhabeel ugubeey Indhahaa ku dhugtaa Ku dhaygaga oo Dharaara xasuusto Ay ku dhagnaato Minahaad u dhaxdaa Ma dhabar jabayeee Hadmaynu dhignaa Aroos dhaqanloo Jacayl ka dhitaysan Macaan dhurannaa Adaa dhaya dhaawacaan qabayoo Naftaad dhakhtariyo dabiib u tahee Idhowro sidaan ku dhawranayoo Dhallaanka sidiis dhabta uun igu haay Hablaha dhaqankee Dhulkii hooyee Hiddaha ku dhagnaa Dhaclaha qabaybaa Wax dheertahay Dheemankii dumarkaa Jacaylka dhexdeennu dhammaad malahoo Waa midaan ka dhaqmeeyn Dhammaan badankee Ka dhowr dhinacaaaga Yuuuun dhicineeee Minahaad u dhaxdaa Ma dhabar jabayeee Hadmaynu dhignaa Aroos dhaqanoo Jacayl ka dhitaysan Macaan dhurannaa
Queue is empty
-- / --