Dhirtoo ubaxlaad
qadraay dhalatoo
Dhulkoo rayslaad
dhaqaaq baratoo
Waxaad tahay dhool
Dhammaystiraneey
Waxaad tahay dhool
Dhammaystiraneey

mugaad dhugiyeey
Dhumuc haysataaad
Barwaaqa la dhaaryay
Geelu dhalayoo
Waxaa tahay dhaada
dhalaal badaneey

Dhabanka quruxdaada
Dhabeel ugubeey
Indhahaa ku dhugtaa
Ku dhaygaga oo
Dharaara xasuusto
Ay ku dhagnaato

Minahaad u dhaxdaa
Ma dhabar jabayeee
Hadmaynu dhignaa
Aroos dhaqanloo
Jacayl ka dhitaysan
Macaan dhurannaa

Adaa dhaya
dhaawacaan qabayoo
Naftaad dhakhtariyo
dabiib u tahee
Idhowro sidaan
ku dhawranayoo
Dhallaanka sidiis
dhabta uun igu haay

Hablaha dhaqankee
Dhulkii hooyee
Hiddaha ku dhagnaa
Dhaclaha qabaybaa
Wax dheertahay
Dheemankii dumarkaa

Jacaylka dhexdeennu
dhammaad malahoo
Waa midaan ka dhaqmeeyn
Dhammaan badankee
Ka dhowr dhinacaaaga
Yuuuun dhicineeee

Minahaad u dhaxdaa
Ma dhabar jabayeee
Hadmaynu dhignaa
Aroos dhaqanoo
Jacayl ka dhitaysan
Macaan dhurannaa

Exit mobile version