Ragoow dumarku waa nolol
Koow dheh
Ragoow dumarku waa nasab
Laba dheh
Ragoow dumarku waa
Nabad
Saddex dheh

Haka nixin gob weeye dumarkaa
Hana nicin dan weeyee
Dumarkaaa
Ula dhaqan sidii nugul
Dumarkaa
Una dhugo sidii nuur
Dumarkaa
Nacaskaa canaaga
Dumarkaa
Caydooda naadsha
Dumarkaaa
Nin ragi wuu daryeelaa
Dumarkaa
Nin ragi wuu xaqdhawraa
Dumarkaa

Amraniyo nabaadiyo deeqa
Raxma iyo nashaadiyo
Nuura
Hablaha naq oo baxay mooddo
Nabar iyo afxumo ha u geeysan

Ragoow dumarku waa nolol
Koow dheh
Ragoow dumarku waa nasab
Laba dheh
Ragoow dumarku waa
Nabad
Saddex dheh

Sida neefta weeydaa
Dumarkaa
Naacawda uga dhoowr dumarkaa
Naaskii hooya weeye
Dumarkaa
Af nadiifa kula hadal
Dumarka
Nacaskaa dagaala
Dumarkaa
Niyaddooda dila
Dumarkaa
Nin ragina jacayl sii
Dumarka
Nin ragina xaqdhoowr sii dumarka

Amraniyo nabaadiyo deeqa
Raxma iyo nashaadiyo
Nuura
Hablaha naq oo baxay mooddo
Nabar iyo afxumo ha u geeysan

Exit mobile version