Heesta Geedaha - Lyrics
Geedaha badhbaa jiraa
Kala gaar la moodoo
Gunta hoose xididkiyo
Jirid mida wadaagee
Somaalaay gadoo kale
Gacaliyo walaaliyo
Gacmo wada jiraan nahay
Waxa gama' ii diiday
Ee guud ahaan dunida
Iyo dawldaha geeska
Gaar ahaanaayay
Garab iga midaan waayay
Waxaan gudanayay waajib
Maantana hadaad gaadhay
Durba guulahaa muuqda
Galad EEBE WEEYAANEE
Geediga hore u wada
Soomaalaay ha gaagixne
Qaranimadaa godol qaaday
Ka gilgilo gobaad tahaye
Magac xumo kusoo gaadhay
Kala garo nasteexaaga iyo
Nacab ku gaadaaya
Soomaalaay ha gaagixinin
Qaranimadaa godol qaaday
Godob iyo qabiil dhaafa
U guntada midnimo waarta
Aad dunida gaadhaane
Gacmaha is qabsada maanta
Gaaliyo islaam nabadu
Waa u gogol nasteexaade
Nabadaan gu'yaaliyo gu'yaal
Geed walba u fuulay
Nabadaan golihii lagu kulmaba
Uga gaboon waayay
Nabadaan inbadan goobaayeen
Dunida gaadhsiiyay
Hadaad idinku ila garan lahayn
Gool ma dhalineene
Haday shacabku geestiisa qaban
Libin ma gaadhneene
Haduu GUULAHEEN naga aqbalin
Guul ma hananeene
Oo caawa guudaheeda xamar
Nooma gogosheene
Kaftan gaara hawraar gobeed
Sooryo gacaltooyo
Lama wada gorfeeyeen
Wilwilad laguma gooyeene
Hoo waykaa inagaa reemi ogaynoo Hido weeyee
Walwaaleeyoo walwaaleeyoo