guurtiyo adoyaa isku yimid
gogoshii sharaftaa la dhigay
gabdh iyo wiilbaa is helay
guuliyo dhaqan baa hir galay
lahelee hoobalow helee
geeraariyo heesa iyo
gabawgiyo guurawga baxay
gibladiyo saarkaa la tumay
guuriyo dhaqan baa hir galay
lehelee hoobaloow heelee
garbasaarada duulay iyo
lehelleey leheeleey
go, iyo shaalkaa la lulay
le heleeeyee leheleee
gacanqaadkii la ridyoo
gabadh iyo wiil baa is heley

hoow naboow nuur aloow
muxamad nabi magac samoow
gayaan runabaa is helay
guuubaabada heesta iyo
gabayga iyo guurawga baxay
gibladiyo dhaantada la tumay
guul iyo dhaqan baa hir galay
geel iyo adhi baa la cunay
gees iyo gees baa la yimid
gob iyo culimaa isku timidoo
alaylehe gur baa hir galay
hooy naboow nuur allow
muxamad nabi magacsamoow

Exit mobile version