Cawaale
Waxan geela kaaga bixin gaari baad tahaye
Oo gal xareeda baad ii tihiyo webiyo gowleynee

Hani
Raga gaar waxaan kaaga xushay geesi baad tahayee
Garashadada dheer baan jecliyo geed ka talin taadee

Cawaale
Waxad tahay gugii oo do,,oo geyiga maasheeyey
Geenyo shaaximan baad tihiyo gaari bilicdheeree

Hani
Nin goboo nafta loo huraad ii tihiyo guurti dhaqameede
Geedohoo magoolaad tihiyo makiyo ubixii guudkaasee

Cawaale
Kaalay gacalooy
Hani
Gacale gacale
Cawaale
Haa kaaalay gacalooy
Hani
Gacale gacale

Cawaale
Gabooley adaan ugu jecliyo hablaha geyigeenaa
Gurgurshaagii baad ii tihiyo gaadiid xoog badane

Hani
Kaalay gacaloow
Cawaale
Waykan waykan
Hani
Haa kaalay gacaloow
Cawaale
Waykan waykan

Hani
Gacal laba wadaagtaan nahoo ceeb ka gaabsadayee
Geed hadhaca baad ii tahoo cidina goyneynee

Cawaale
Geyigeena waa laga ogaan guurkeeneniyee
Oo gebigeed Somaalidu cayaar haw gurbaan tumee

Hanti
Gubtanyada ka dhawr caashaqni waa gob taladiiyee
Goor iyo ayaan baan qalbiga meel ku gunudaayee

Cawaale
Gogoshii cishqigu way dhex taal gibilku doonaayee
Goobahaa dalxiiskaan ku geyn saad u gama,daaye

Hani
Hagodladee gaawaha u cugo geelii waa inoo dhalayee
Gacantana iqabo caashaqu waa inagu gaarnaayee

Cawaale
Kaalay gacalooy
Hani
Gacale gacale
Cawaale
Haa kaalay gacalooy
Hani
Gacale gacale

Cawaale
Gabooley adaan ugu jecliyo hablaha geyigeenaa
Gurgurshaagii baad ii tihiyo gaadiid xoog badane

Hani
Kaalay gacaloow
Cawaale
Waykan waykan

Hani
Gacal laba wadaagtaan nahoo ceeb ka gaabsadayee
Geed hadhaca baad ii tahoo cidina goyneynee

Cawaale
kaalay gacalooy
Hani
Gacale gacale

Hani
Kaalay gacaloow
Cawaale
Waykan waykan

Lyrics by Mudugboy

Exit mobile version