VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Haboon - Lyrics

halis weeyi ruuxuu jacayl taabtayoo helaye jiif haleeli maayo hurdada wuu ku haajiriyee aniguna intaasaan haboon haybi leeyahee hankaygiyo maankaa la jira timo haldhaaleeye hiyi kacay darteedoo qalbigu way halwanayaaye hadalkay tidhaahdaan dareen sii hinqinayaayee boogihii horeeyay u tahay daawo loo helayee guri hodanaa lagu korshoo hobalin hobalin hoobeeya lagu korshay ku hanaqaaday hobalin hobalin hoobeeya hobyo iyo cadaaday ka timid waana la hubaayee hidihiyo astaanteedu waa dhaqankii hooyaadee nin hantiyay yartaaba nasiib hoodo kaashadayee hiyeeyo hiyeeyo hoohoo hiyeeyo hiyeeyo hiyeeyo shib dheh hiyeeyo nin jacaylku heeryada dul dhigay hilayna uu saaray oo uu hogaanshaan ahoo way i horkacayaayee inantiii qalbiga hanataybaan haabo leeyahaye habsamida tusaalaha caqliga garasho heerkeeda deganida hufnaantiyo dabciga haybadiyo muuqa lama helo metaalkeed kunkii waa hal oo qudha ee hoodaale weeyaan ninkii ay la hoyataayee guri hodanaa lagu korshoo hobalin hobalin hoobeeya lagu korshay ku hanaqaaday hobalin hobalin hoobeeya hobyo iyo cadaaday ka timid waana la hubaayee hidihiyo astaanteedu waa dhaqankii hooyaadee nin hantiyay yartaaba nasiib hoodo kaashadayee hiyeeyo hiyeeyo hoohoo hiyeeyo hiyeeyo hiyeeyo shib dheh hiyeeyo
Queue is empty
-- / --