Heesta Hadyad qaaliyaay - Lyrics
Hiiliyaay hablaha gaari lagu hirtaay
Daruur hoortayoo lagu haraad baxaay
Daruur hoortayoo lagu haraad baxaay
Hadiyad qaali ah marka hore salaan
Murti hodan ah hawraar gobeed
Hambal iyo tahniyad shahrasaad gudoon
2×
Hiiliyaay hablaha gaari lagu hirtaay
Daruur hoortayoo lagu haraad baxaay
Shahrasaad adaa heeso iyo amaan
Haboon u qalmoo hufaneey gabadh
Kula siman hubqaad
Horaadada wali hooyo kuma qaban
Aabo kama wan qalin
2×
Shahrasaadkuba aahelowa aahelowa
Abka haybad iyo aahelowa aahelowa
Horuu ku lahaa adaa huuwadoo
Nasab lagu hirtiyo heer saraa ku dhalee
U horee dhigaa
2×
Adaa helayoo hantiyay
Habeen dhalad kuu hanweyn
Halyay meel sare hiigsani
Hadal toosanoo hawlkara dhabtii
Muuse waa halyay hano hano oo daryeel
2×
Muusiyo shahrasaad hor iyo ducaba
Habkiyo waxaad ku haysaan qalbiga
Hela oo ha waayina hela oo ha waayina
2×