VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Hagardaamo mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Awaale Aden
Hagardaamo

hoheey hagardaamo iyo
maxaan hiirtaanyo iyo
huqiyo kuu nacay hadimo
huqiyo halis kaaga digay
maxaan hoodo iyo wanaag
hir doogliyo hadhac qaboow
inaan kugu hoysto rabay
maxaan ku haadshay gacan
habeen iyo maalin oo
hankaagu i dhaafsanaa
wuxuu hadal raagat yidhi
hog dheer ruuxii qodaa
halista kama baaqsadee
adaa hoorsaday nabsiga
heeryada guudkaaga furay

hobeey haydaarta iyo
maxaan kaaga hiray xumaan
habaw aad iilata iyo
hantaaqo aan kaa ilaashay
maxaan nolol haybad leh iyo
hab dhaqan adi kugu haboon
inaan ku habo jeclaa
maxaan kaaga hiishay nacab
naftaada hodaayayoo
nin kale aad u heelanayd
wuxuu hadal raagay yidhi
hog dheer ruuxii qodaa
halista kama baaqsasde
adaa hoorsaday nabsiga
heeryada guudkaaga furay

codkii Awaale Aden